Ciidamada Puntland oo howlgal gaar ah fuliyay written by Warsan Radio 24/07/2022 laamaha Amniga dowlad Goboleedka Puntland gaar ahaa Ciidamada Daraawiishta, kuwa PSF & PMPF ayaa howlgal gaar ah oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab ka fuliyay degaano kuyaalla dhulka Buuraleyda ah ee Silsilada Golis ee Gobolka Bari.Ujeedka howlgalka ayaa saraakiisha hoggaamineysay ay ku sheegeen in uu ahaa sidii dhulka Buuraleyda ah looga saari lahaa Ururka Al-Shabaab oo aad ugu xoogan, isla markaana mararka qaar ay weerar kasoo qaadaan.Taliyaha Aaga silsilada Golis ee Ciidanka Difaaca Puntland G/Sare Siciid Nuur Shire, ayaa sheegay inay Ciidamada howlgalka kula wareegeen dhamaan fariisimihii Al-Shabaab ee Buuraleyda Goolis kadib markii ay isgaa tageen Al-Shabaab.Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Ciidamada difaaca Puntland ay howlgalka ku qabteen Raashinka noocyadiisa kala duwan iyo dawooyin ay isticmaalayeen Ururka Al-Shabaab, isla markaana howlgalka ay sii wadi doonaan.Maamulka Puntland ayaa dagaal adag kula jira Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish, kuwaas oo mararka qaar weeraro toos ah iyo qaraxyo ka fuliya degaano katirsan Gobolada Puntland. Ciidamada Puntland oo howlgal gaar ah fuliyay was last modified: July 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta kuwajahan dalka Masar next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacda Warsan 31/01/2021 Wasiiro ka tirsan Koofur Galbeed oo maanta gaaray degmada Waajid (Sawirro) 19/04/2021 DF oo qaaday tallaabo culus oo lagu soo afjarayo Shabaabka ku sugan… 27/02/2024 Maxay ka wada hadleen Mahdi Guuleed & Ra’iisul Wasaaraha dalka Qatar? 28/03/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 05/11/2019 Maamulka Jubbaland oo shuruud adag ku xirtay ka qeyb galka doorashada Soomaaliya 13/02/2021 Ceelwaaq oo Goordhow lagu doortay Kursigii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka 22/04/2022 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 06/11/2023 Madaxweyne Farmaajo oo guddi u magacaabay baaritaanka Kiiska Ikraan Tahliil Faarax 13/09/2021 Dhageyso:-Wareysi wiil oo dhalinyara ah u tahriibey Maraykanka Balse dib loogu soo celiyey 29/06/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.