Mareykanka oo Ruushka kala hadlaya dad u xiran written by Warsan Radio 28/07/2022 Xoghayaha Arrimaha Debedda ee dalka Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay inuu la hadli doono dhiggiisa dalka Ruushka Sergey Lavrov maalmaha soo socda isaga oo u gudbin doona dalab “wax ku ool ah” oo looga gol leeyahay in lagu soo daayo xiddiga kubbadda koleyga ee Mareykanka ee Brittney Griner iyo Paul Whelan oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada badda ee Mareykanka, kuwaas oo haatan ku xiran dalka Ruushka.Arrimaha kale ee la filayo inay ka wada hadlaan Blinken iyo Lavrov waxaa ka mid ah, hirgelinta heshiiska dib loogu soo celinayo sareenka laga dhoofiyo dekedaha Badda Madow ee dalka Ukraine iyo weliba xiisadda ka taagan dalkaasi.Labadan Wasiir ayaan wada hadlin muddo ku siman 5 bilood, waxaana wadahadalkoodii ugu dambeeyey ee ay si toosa u wada hadlaan uu ahaa 15-kii bishii February ee sannadkan, maalmo ka hor uun duullaankii uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine.Shir jaraa’id oo uu qabtay Arbacadii, ayuu xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanku ku sheegay in Washington ay xiriir la samaysay dalka Ruushka iyada oo u soo bandhigtay dalab “wax ku ool ah” si loo sii daayo labada muwaadin ee u dhashay dalka Maraykanka ee haatan gacanta ugu jira dawladda Ruushka, hase ahaatee Xoghaye Blinken wuxuu diiday inuu faahfaahin ka bixiyo nooca dalabka ay u bandhigeen dalka Ruushka.Ginger oo tagtay dalka Ruushka bishii February ee sannadkan ayaa xabsiga la dhigay, iyada oo la sheegay in laga helay shandadeeda, caagado ay ku jiraan, saliid laga sameeyey xashiishadda.Sidoo kale Whelan oo ah madaxa fulinta amniga ee shirkad ku taalla gobolka Michigan ayaa isna loo haystaa eedo la xidhiidha basaasnimo, inkasta oo qoyskiisu ay sheegeen in eeddaasi ay tahay been abuur. Whelan ayaa lagu hayaa dalka Ruushka tan iyo sannadkii 2018. Mareykanka oo Ruushka kala hadlaya dad u xiran was last modified: July 28th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Dowladda Itoobiya oo markii ugu horraysay war kasoo saartay weerarka Al-Shabaab You may also like Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 12/12/2020 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Radio Warsan 17/09/2020 Ciidanka DF iyo ciidanka Sh Mukhtaar Roobow oo deegaano muhiim ah kala wareegay Al-Shabaab 07/06/2020 Mareykanka oo Soomaaliya ugu yaboohay $ 17.1 Milyan oo Doollar si looga caawiyo dagaalka COVID-19 19/06/2020 Maxkamada Dalka Kenya oo maxkamadeyneyso ‘kooxda booliska oo dilal Geeystay 24/10/2022 Ra’iisul Wasaare Rooble oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Dhuusamareeb 14/12/2020 daaw video Kulan Ay isugu yimaadeen Qaar ka mid ah Odiyaasha dhaqanka Xildhibaano iyo saraakiil oo maanta ka dhacay magaalada Baydhabo 29/01/2017 Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Maanta ansixiyay xeerar dhowr ah 19/05/2022 Akhriso:-Warbixin Hal Sano oo ka soo wareegatay dilkii Wasiirkii ugu da’da yaraa ee Xukuumadda Kheeyre 04/05/2018 FAAH FAAHIN LAGA HELAAYO DUQEYMO KADHACEY SHABEELAHA HOOSE IYO 04/09/2019 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.