Doorashada Madaxtinnimada Kenya oo Maanta bilaabaneysa & Amniga oo la adkeeyay written by Warsan Radio 09/08/2022 Shacabka dalka Kenya ayaa la filayaa in Talaadada Manta ah ay u dareeraan goobaha codbixinta, iyada oo dalkani yahay mid si weyn ugu tiirsan farsamada casriga ah ee loo isticmaalo codaynta, hubinta codbixiyaha iyo weliba soo gudbinta natiijada doorashada madaxtinimada.Guddiga doorashada ee Kenya oo udub dhexaad u ah, qabsoomida doorashooyinka dalkaas, ayaa haatan isku dayaya inay nadiifiyaan sumcaddooda, ka dib markii maxkamadda sare ay baabi’isay natiijadii doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2017, sababo la xiriira wax is-daba marin.Guddiga doorashada ee Kenya ayaa xalay si kumeel gaar ah u hakiyay codeynta doorashada guddoomiyayaasha Ismaamulada Mombasa iyo Kakamega ee dalka Kenya.Guddiga doorashada ee Kenya ayaa sheegay in la qorsheeyey in codbixiyayaashu ay ka codeeyaan in ka badan 46,000 oo goobood oo ku kala yaalla guud ahaan dalkaas. Boya Molu oo ka mid ah guddoomiyayaasha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha ee loo soo gaabiyo IEBC ayaa sheegay in guddigoodu ay haatan si dhamaystiran ugu diyaargaroobeen qabashada doorashada.“Dhammaan shaqaalihii waa la tababaray, si sax ah ayaa loo fahamsiiyey isticmaalka farsamada casriga ah, si loo aqoonsado codbixiyayaasha, iyada oo loo marayo hannaanka farsamada casriga ah iyo sharciyadda doorashada … nidaamka doorashada lagu maamulayo waa la diyaariyey, waxaanna haatan u diyaar garownay in iridaha loo furo goobaha codbixinta, marka la gaadho 6-da subaxnimo” ayuu yidhi Boya Molu.Maalinimadii Axaddii, guddiga doroashada ayaa shaqada ka eryey afar sarkaal oo ka tirsan guddiga doorashada, oo lagu eedeeyey inay la kulmeen musharrax si ay gacan uga geystaan ku shubashada codbixinta goobaha galbeedka dalka Kenya. Doorashada Madaxtinnimada Kenya oo Maanta bilaabaneysa & Amniga oo la adkeeyay was last modified: August 9th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta ka qeyb galaya shirka dhaqaalaha Soomaaliya & Uganda You may also like Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 23/12/2022 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 13/05/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 12/06/2022 Wasaaradda Waxbarashadda oo shaacisay xilliga la qaadaayo imtixaanka dowladda 21/05/2022 RW Rooble & Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka wada hadlay dhameystirka doorashooyinka 02/05/2022 Iraan oo xoog kula wareegtay Maraakiib siday Shidaal 28/05/2022 Khilaaf ka dhex taagan Qoyska reer boqor ee Aalla Sacuudi iyo Mas’uuliyiinta xilalka laga qaaday 01/09/2020 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 20/12/2023 Buundada Baardheere oo go’day ka dib fatahaad uu sameeyey Wabiga Jubba 09/11/2023 Akhriso:-Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha KG ayaa manta Degmada Diinsor ku qabatay kulanka Wadatashiga Qorista Qorshaha Horumarinta ee KGS 15/12/2019 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.