Baydhowy-{WMN}-Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheikh Cali oo ay wehlinayaan Xildhibaan Cabdiweli indhaceel, Gudoomiyaha Degmada Galdogob iyo ku xigeenkiisa ayaa kulan kula qaatay Magaalada Galdogob Beelo dhawaan ay dhex-martay Shaqaaqo.
Kulanka ayaa hordhac u ahaa kulan Nabadeed xal looga gaarayo Shaqaaqadaasi, Kulankan oo saacado qaatay kadib ayaa waxaa laga soo saaray go’aamo hor-dhac u ah kulamada Kale, waxana kamid ah.
Waxaa si wada jira ah loo faray dhinacyada Beelaha ka shaqaynta Nabada, Xasiloonida Bulshada iyo ka hortaga wax kasta oo caqabad ku ah noqon kara wada degenaanshaha.
Waxaa lagu qanciyey Qoyska uu ka baxay Marxuum maalmo sii horeeyey lagu dilay Magaalada Galdogob in si Deg-dega loo soo qaban doono Gacan ku dhiiglihii dilkaa gaystay.
Ugu danbayn waxaa lagu heshiiya in mudo cayiman ay ku bilowdaan kulamada kale ee Nabadeed ah.