Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa War kasoo saaray qarixii Maanta ka dhacay degaanka Basra oo hootaga degmada balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe, kaas oo lagu dilay taliyihii qeybta Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole).
Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Duudishe ayaa sheegay in Ilaahay ha unaxariistee uu ku shahiiday howlgal lagula dagaalamayay Al-Shabaab S/Guuto Farxaan Maxamuud Aadan Taliyihii Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, kaas oo ka dhacay xaduudka Gobolada Banaadir, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeelaha hoose.
Qoraal uu soo saaray Afhayeenka ayaa waxaa uu Alle u weydiiyay naxariistisii jano sareeyaha iyo shuhaadadii la geeriyootay, sidoo kalana inta ku dhaawacantay ilaahay ha u booga dhayo.
Argagixisada naf la caariga ahi, marnaba nagama weecindoonto hadafkeena ah xaqiijinta Amaanka Dalka iyo ciribtirka Argagaxisada ayuu yiri” Afhayeenka.
Mas’uuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Taliyihii Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, iyaga oo sheegay in uu Sarkaal muddo u Shaqeeynayay Qaranka.