Baydhabo-{WMN}-Dab xooggan ayaa Qabsaday suuqii ugu weyn oo ku yaalla bartamaha caasimadda Pakistan ee Islamabad
Sawirro lagu soo bandhigay baraha bulshada ayaa muujinaya qiiq aad u badan oo ka soo baxaya dhismaha, iyadoo muuqaallada qaar ay muujinayaan olol gudaha iyo dibadda dhismaha ah
Waxay sidoo kale la arkayay dad isku dayaya inay ka baxaan dhismaha dabku ka kacay
Booliiska ayaa sheegay in dhammaan dadkii ku sugnaa xarunta ganacsiga si nabad gelyo ah looga saaray halkaa. Waxaa socday dadaalo lagu daminayo dabka oo la sheegay in uu ku sii fiday dhismayaal kale.