Ukraine oo fashilisay weerar cirka ah oo Ruushku ku qaaday Kyiv written by Warsan Radio 15/12/2022 Ukraine ayaa sheegtay Arbacadii inay fashilisay weerar uu Ruushku ku soo qaaday caasimadda dalkaas ee Kyiv, iyada oo isticmaalaysa nidaamkeeda difaaca cirka, waxaana Ukraine ay sheegtay inay soo rideen illaa 13 diyaaradood oo aan nooca aan duuliyaha lahayn oo siday qaraxyo kala duwan, kuwaas oo isku dayayey inay soo galaan hawada caasimadda, inkasta oo burburkoodu uu khasaare u geystay illaa shan dhisme.Maayarka caasimadda Vitali Klitschko ayaa sheegay in qaraxyo laga maqlay badhtamaha degmada Shevchenkivskyi eek u taalla badhtamaha caasimadda Kyiv, isagoo intaas ku daray inaanu jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaas.Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa barteeda Twitterka ku sheegtay in Ruushku uu soo qaaday weerarka kale oo uu adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxanaynta ku tilmaameen Moscow inay keliya kalsooni dareemaan marka ay weerarayaan magalooyinka nabadda ah.Weeraradan loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa qayb ka ah, weeraro xooggan oo Ruushku tan iyo bishii October ku bartilmaameedsanayey xarumaha laydhka, xarumaha biyaha iyo goobaha kale eel aga bixiyo adeegyada dadweynaha, isaga oo doonaya inuu ku niyad-jebiyo dadka reer Ukraine, gaar ahaan xilliga jiilaalka. Ukraine oo fashilisay weerar cirka ah oo Ruushku ku qaaday Kyiv was last modified: December 15th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan next post gudoomiye waaxeed Kooxo hubeysan oo ay ku dileen magaalada Garbahaarey You may also like Shirka Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland Oo Ka Qabsoomay Kismaayo 14/07/2022 Madaxweynaha Soomaaliya oo war kasoo saaray weerarkii Al-Shabaab ee Baxdo 17/06/2022 Dhageyso+Sawiro:-Ciidankan ayaa lagu tababaray garoonka diyaaradaha Baydhabo, waxaana tababarooda iska kaashaday Midowga yurub iyo hoowlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ka socdo Afrika AMISOM. 23/08/2018 Dhageyso:Warka Galab ee Idaacada Warsan 12/06/2020 Weerar askari lagu diley oo ka dhacay afaafka hore Aqalka Baarlamaanka Maraykanka 03/04/2021 DHAGEYSO:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 27/04/2020 Axmed Madoobe oo maanta hor tegaya guddoonka iyo guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare 06/09/2020 Wasaaradda Caafimaadka oo Ka Warbixisay Xaaladaha Cusub Ee Ka Soo Kordhay Coronavirus 07/05/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 01/12/2019 Dhageyso KULAN LABA MAALMOOD SOCDAY OO LOOGA HADLAYAY ARIMAHA DASTUURKA OO BAYDHABO KU SOO GABAGABOOBAY. 15/04/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.