Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa maanta gaaray degaanka Guulane oo hoos taga degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Agaasime Muxudiin Xasan Juris Saabeey oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda, taliyaha booliska HirShabelle Col. Xasan Dhicisow iyo saraakiil kale.
Saraakiishaan ayaa booqanaya deegaano u dhow Guulane oo saacadihii lasoo dhaafay ay Ciidamada xoogga dalka kudileen Xubno katirsan Al-Shabaab.
Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa kulamo la qaadanaya Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo dadka degaanka, isaga oo kala hadlaya sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka degaannadii laga saaray Al-Shabaab.