Kalluumeysato muddo u afduubnaa Al-shabaab oo dib ugu laabtay Iran written by Warsan Radio 26/12/2022 Afar iyo toban kalluumaysato Iiraaniyiin ah oo ay gacanta ku dhigeen kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, oo qaarkood la qabtay muddo siddeed sano ah kahor ayaa dib ugu laabtay dalkooda, sida ay maanta oo Axad ah sheegtay wakaaladda wararka ee jamhuuriyadda Islaamiga ah.Sida ay ku qortay wakaaladda wararka ee AFP , kalluumeysatada ayaa laga soo afduubtay biyaha caalamiga ah ee u dhow Soomaaliya, waxaana la sii daayay kadib “wadaxaajood dheer oo ay la yeesheen madaxda dowladda, isimada iyo odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed”, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ISNA.Waxaa lagu soo dhaweeyay xaflad gaar ah oo ka dhacday garoonka caalamiga ah ee Tehran ee Imam Khumeyni habeenimadii Sabtida kahor inta aan loo dhoofin magaalada koonfurta ee ay ku nool yihiin ee Chabahar.Siideyntooda ayaa timid ku dhawaad hal bil kadib markii booliska Soomaaliya ay sheegeen in ay ka heleen meel u dhow dhul ay gacanta ku hayaan 20 ajaaniib ah oo kala ah 14 Iranian ah iyo lix Pakistani ah.Ma cadda sida ay ku timid in la sii daayo, iyadoo booliiskuna aysan bixin faahfaahin dheeraad ah, iyagoo soo xiganaya baaritaan socda. Kalluumeysato muddo u afduubnaa Al-shabaab oo dib ugu laabtay Iran was last modified: December 26th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan next post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan. You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 13/03/2022 Daawo Video Gudahooda Ayaa Ka warbixiyey Cudurka shuban Biyoodka Degmooyin 12/03/2017 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 06/09/2021 Darawal Mooto oo 1 Dollar dartiis loogu dilay Degmada Afgooye 02/09/2023 Wufuud uu kamid yahay Madaxweynaha Jabuuti oo kusoo wajahan Muqdisho 28/12/2022 Dhageyso: Barnaajika Dhacdooyinka 29/12/2022 Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay inay dardar gelionayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab 30/08/2023 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 01/07/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 07/07/2021 Dhageyso:-Dood ku saabsan Haweenka haq ma’uleeyihiin in ay helaan fursado lamid ah mida raga ay helaan 19/04/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.