Musharixiinta Koonfur Galbeed oo shuruud ku xiray ka qeyb galka Shirka Baydhabo written by Warsan Radio 03/01/2023 Musharixiinta xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa shuruudo dhowr ah waxaa ay kuxireen ka qeyb galka Shirka dib u heshiisiinta Siyaasiyiinta Koonfur galbeed, kaas oo guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe) uu iclaamiyay in 5-ta Bisha Janaayo oo ku beegan Maalinta Khamiista ah uu ka furmo Magaalada Baydhabo.Qoraal ay Musharixiinta u direen Guddoomiyaha Golaha Shaabka ayay uga dalbadeen in la fuliyo Saddex shruudood oo ay kaga qeyb geli karaan shirka dib u heshiisiinta Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed, kuwaas oo kala ah.Marka hore Musharixiinta ayaa kasoo horjeestay guddiga farsamo ee ka koban 7 Xubnood, kuwaas oo uu guddoomiyaha xilsaaray qabsoomida shirka, iyaga oo sheegay in arabka laftaagreen kaliya xibno laga siiyay, isla markaana dhankooda aan lagala tashan.Sidoo kale waxaa ay sheegeen in aan weli la fulin ballantii aheyd in tallaabo laga qaado saraakiishii ku lugta leheyd weerarkii dhawaan ka dhacay Baydhabo iyo in ciidanka Koofur Galbeed laga saaro guryaha mucaaradka ee magaalada Baydhabo, lana siidaayo Maxaabiista laga heysto.Waxaa xilligaan jirta cabsi la xiriirta in uu dib uga dhaco waqtigii loo qorsheeyay shirka dib u heshiisiinta Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed, hadii aan xal laga gaarin cabashada ay qabaan musharixiinta mucaaradka ah. Musharixiinta Koonfur Galbeed oo shuruud ku xiray ka qeyb galka Shirka Baydhabo was last modified: January 3rd, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan next post Malaaq Shiine oo ku dhawaaqay inay ka hortagayaan dadka diidan Shirka Baydhabo You may also like Madaxweynaha Jubbaland oo faah faahiyay khasaaraha ka dhashay Roobka daadadka watay iyo fatahaadaha 09/11/2023 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 07/08/2020 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 18/11/2019 MW Xasan Sheekh oo kulamo gaar gaar ah la qaatay Odayaasha dhaqanka Galmudug 07/08/2023 MALI oo xayiraada laga qaaday kadib magacaabistii Raysalwasaraha & Xukumada cusub 07/10/2020 Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Doxa kula kulmay Wasiirka Ganacsiga Dalka Qatar 07/10/2021 Hirshabeelle oo War ka soo Saartay Dagaalka Ka socdo Gobolka Hiiraan Iyo Guulaha Ciidamada Gaareen 20/09/2022 Dhulgariir ruxay Dalalka Itoobiya iyo Eratariya 02/08/2023 Faah faahin: Kulankii Ra’iisal Wasaare Rooble la qaatay ganacsatada 03/03/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 13/05/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.