Wasaaradda Bii’ada iyo Duur-Joogta DKGS, ayaa Degmooyinka Koonfur Galbeed ka daah furtay Olole lagu cirib tiraayo Qashinka, Bacaha iyo dhalooyinka bilic dilaya Deegaanka.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Bii’ada DKGS, mudane Eng. Axmed oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka socota Degmada Baydhabo oo qaabilsan arimaha deegaanka ayaa Baydhabo ka daay furay ololhan si loo muujiyo heerka ay la egtahay baahida loo qabo dhoowrista deegaanka iyadoo bulshada la hogo tusaaleeynayo sida ay uga go’antahay Wasaaradda Bii’ada helista deegaan ka fayoow aafadda bacaha, qashinka iyo caagadaha.
Daaf-furka Ololahan ciribtirka qashinka iyo bacaha ayaa ah mid lagu aadiyey maalinta xuska maalinta deegaanka aduunka oo sanad walba la qabto bisha June shanteeda
Halkudhigga sanadkaan ayaa ahaa
“Ka ciribtirka deegaanka Qashinka iyo Bacaha.”
Xuska Maalinta Deegaanka oo Baidoa lagu qabtay
previous post