Talado 20-June-2023-{SOMA} Muqdisho-Tababarkan maanta ay Muqdisho ugu so Gabagabeysay Dalada Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA 30ka tafatire ayaa waxaa lagu baranayay bad qabka suxufiga iyo in ay hubiyaan goobaha ay u dirayaashan saxafiyiinta ka howlgalo xarumaha ay tafatirayaasha ka yihiin Magaalada Muqdisho.30kan Tafatire ayaa waxaa laga so xulay Warbaahinada ka howlgalo Magaalada Muqdisho sida telefeshinada Idaacadaha wargeysyada iyo Websaaydyada, waxana uu tababarka socday Mudo sadax maalin ah.Xoghayaha Daladda warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Mahamed Osman Makaran oo ka hadlay Gabagabadii Tababarka ayaa sheegay in tababarkan loo qabtay markii suxufiyiin ka howlgasho soomaaliya ay wax yeelo ka so gaartay dagaalo iyo qaraxyo ka dhacay gudaha Dalka.“ ayadoo laga duulayo in suxufiyiinta ay ku shaqeeyaan Goob amaan ah ayaa Tafatirayaasha waxaa labaray si ay uga fakari lahaayeen amaanka Suxufiyiinta ka howlgasho xarunta ay maamulaan waana sababata loo doortay in la tababaro tafatirayaasha “Ayuu yiri Xoghaye Makaraan.
Daladda SOMA oo 30 Tafatire Tababar ugu so gabagabeysay Magaalada Muqdisho
previous post