Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga Seddaxaad Kulankiisa 4-aad ee Wadajirka ah ee labada aqal Baarlamaanka 11-aad ee JFS.Guddoomiyaha ayaa kulanka waxaa ku weheliyay ku-xigeennada labada aqal, waxaana uu ajanduhu ahaa akhrinta 3-aad iyo u codeynta Xeerka Qoondaha Ku-noqoshada Miisaaniyadda 2023-ka.Xildhibaan Maxamed Farax Nuux oo ah Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Labada Aqal ayaa xildhibaannadda warbixin ka siiyay heerarka ay soo martay Miisaaniyadda 2023-ka, waxaana uu Xildhibaannada Golaha Shacabka ka codsaday in la ansixiyo maadaama uu guddigu qiimeyn ku sameeyey, sidoo kale Gudoomiye Ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare Sen. Ibrahim Aw gaab ayaa isna ka hadlay ahmiyadda missaaniyadda ay qaranka u leedahay, isagoona ka codsaday Xildhibaanada labada aqal in ay ansixiyaan.Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Xildhibaannada labada aqal u soo jeediyay in ay ansixiyaan Miisaaniyadda maadaama la soo mariyay akhrinta 1-aad, 2-aad iyo sedexaadba, ayaa waxaa cod gacan taag ah ugu codeysay 169 Xildhibaan oo ka kooban labada aqal waxaa diiday 1 waxaana ka aamustay 2-Xildhibaan. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay in sidaasi ay ansax ku tahay Misaaniyadda.Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iiman Cige ayaa Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad uga mahadceliyay sida aqlabiyadda leh ay u ansixiyeen miisaaniyadda, waxaana uu sheegay in dadaal dheer lagu bixin doono kobcinta iyo kor u qaadida dhaqalaha dalka.Gunnaanadka kulanka oo uu soo xiray Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Wasaaradda Maaliyadda iyo guud ahaan Xukuumadda u sheegay in Miisaaniyadda iyo xisaab xirka waqtiga loogu talagay Golaha la keeno si Xildhibaannada ugu baaraan deegaan una helaan waqti ku filan isla-markaana u mariyaan habraacyadooda.