Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha waddo Laami ah oo laga hirgalinayo jidka mara suuqa deegaanka Garasbaaleey ee Gobolka Banaadir, waxaana goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir.Dhismaha waddadan oo muhiim u ah isku socodka Suuqa deegankan ayaa ah mid ay wada sugayeen maamulka iyo bulshada reer Garasbaaleey maadaama isticmaalka waddadan lagu qabay dhibaato la xariirta burbur iyo dayac xumo balaaran.Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu baaqay bulshada Caasimadda in ay xoojiyaan iskutashiga lagu horumarinayo dib udhiska iyo bilicda Magaalada.