Masโuuliyiinta Turkiga ayaa sheegay inay dalkooda ka saarayaan in ka badan hal milyan oo qof oo ah soo-galooti u dhashay Suuriya oo aan sharci rasmi ah ku joogin dalkaasi.Sidoo kale masโuuliyiinta socdaalka ee Turkigu waxay bilihii ugu dambeeyay qaadeen ololeyaal lagu beegsanayo dadka Afrikaanka ah ee ay Soomaalida ku jirto ee ay sharciyadii ka dhaceen balse wali dalka gudihiisa sii jooga iyo kuwa ku soo galay hanaan sharci darro ah.Cabdulcasiis Cawil Maxamuud oo madax ka ah urur lagu magacaabo Iskaashiga Soomaalida Turkiga oo xaruntoodu tahay magaalada Ankara ayaa sheegay in tallaabada dadka lagu musaafurinayo ay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay kajirta dalka Turkiga.Wuxuu sheegay in ka hor doorashadii ka dhacday dalka Turkiga Madaxda tartameysay ay ku ololeeyeen in dalka laga saaro dadka ajaanibta ah iyo in wax laga qabto dhaqaalo yarida kajirta dalka Turkiga.Ugu dambeyn wuxuu sheegay in Madaxda Turkiga ay horay u musaafurisay dad kasoo jeeda dalka Suuriya, kuwaas oo aan shacri heysan, sidoo kalena la filayo in dad badna oo Afrikan ah oo Soomaalida kamid tahay la musaafurin doono.Dalka Turkiga ayaa waxaa ku sugan kumanaan Soomaali ah oo waxbarasho u joga iyo kuwo Ganacsiyo kala duwan kuleh, waxaana taasi u keeni kartaa dhibaato soo wajahda.