Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta dowlad-goboleedka Galmudug.Madaxweyanaha ayaa waxaa sii diirran ugu soo dhaweeyey Dhuusamareeb Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Kuxigeenkiisa Cali Daahir Ciid, Guddoonka iyo XIldhibaannada Golaha Wakiillada Galmudug, iyadoo qorshaha Madaxweynuhu uu yahay in uu halkaas ugu shaqeeyo si kumeel-gaarka ah.Sidoo kale, Safarka Madaxweynaha ayaa ku saleysan dhammeystirka dagaalka looga xoreynayo Al shabaab deegaannada Galmudug, iyadoo uu xoogga saari doona kormeerka furumaha dagaalka, abaabulka bulshada iyo dhiiragelinta ciidamada naftooda u huraya xoreynta Qaranka.Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey bulshada iyo maamulka Galmudug sida ay ugu midoobeen garab istaagga ciidamada naftood hureyaasha ah ee u istaagay cirib-tirka Khawaarijta, waxa uuna sheegay in la joogo wakhtigii laga miro-dhalin lahaa halganka xoreynta ee ka socda deegaannada Galmudug.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Dhuusamareeb & Abaabulka bilaabanaya
previous post