Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay Taliyaha ciidanka qalabka sida ee Qatar, Salem bin Hamad Al Nabit, oo ay ka wada hadleen iskaashiga dhinaca amniga iyo dagaalk Alshabaab .Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay guullo waaweyn ka gaartay dagaalka ay kulaa jiraan Alshabaab , isagoo uga mahadceliyay dowladda Qatar doorka joogtada ee ay ka qaadato dib u dhiska ciidamadeena.Taliyaha ayaa dhankiisa ku ammaanay dowladda Soomaaliya guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaartay dagaalka Alshabaab isaga oo ballanqaaday inay sii wadi doonaan taageerada iyo wadashaqeynta ay leeyihiin hey’adaha amniga Soomaaliya.
Ra’iisal Wasaare Xamse oo kulan la qaatay Taliyaha ciidanka qalabka sida ee Qatar
previous post