Duqeyn diyaaradeed ayaa lagu soo warramayaa inay saqdii dhexe ee xalay ka dhacday magaalada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud, halkaasi oo ay Xarumo waaweyn ku leeyihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in duqeynta diyaaradeed oo ay fulisay diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ee Drones lala beegsaday Saldhig weyn oo Shabaab ku lahaayeen magaalada Galhareeri, waxaana la tilmaamay in weerarka uu ka dhashay khasaaro.
Saraakiil ka tirsan ciidanka Milateriga dowladda oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha Afka dowladda ayaa laga soo xigtay in duqeynta lagu dilay xubno isugu jiray saraakiil iyo dagaalyahano, kuwaasi oo la tilmaamay inay joogeen saldhiga la bartilmaameedsaday, waa sida hadalka loo dhigay.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadal oo shaacin khasaaraha ay geysatay duqeyntii xalay ka dhacday magaalada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud, halkaasi oo ay Xarumo waaweyn ku leeyihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa gobollada dhexe ka socday guluf culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah.