Kaamka Buur iyo Shabeelow oo ay ku jiran in kabadan 60 Qoys ayaa ka cabanaya Nolal Xumo haysata iyaga iyo Caruurtooda tasoo sida ay Sheegeen Qoysaskaasi jirin wax gargaar ah oo lagaarsiiyay tan iyo markii ay soo gaareen kaamkaasi bil ka hor.
Qoysaskan degan Kaamkan waxay isugu jiraan waayeelo haween iyo ragba leh Naafo lixaadka la’a iyo caruur, kuwaasoo aan awoodin in ay shaqaystaan xitaa ay soo gurtaan quryo ay suuqa ay u iib gaystaan,kadibna ay kusoo gataan wax ay Nafta ku ceshataan. `
Xabiibo waa Hooyo Da’ah oo ku jirta Aqal ka samaysan Cooshad dusha laga saaray maryo aan celinaynin Qoraxda Maalintii dhacayso iyo dhaxanta habeenkii Xili aysan haysanin Cunto iyo Biyo Iyadoo intaas ku dartay in ay Subaxdii ay aado Guri ku yaala gudaha Baladka oo ay dagantahay gabar ay iyada dhashay oo Danyar ah taasoo ay kasoo cunto quraac ay halmar gacanta wada gashtaan iyada iyo cunuga yar oo ay ayayeeyo u tahay, Waa tan Xabiibo oo ka hadlaysa Xaalada Nololeed eek u haysata Kaamka Buur iyo Shabeelow.
Ma’ahan Heblo oo kaliya Dadka ay haysato Nolol Xumada ee waa mid ay ka simanyihiin dhamman barakacayaasha degan kaamkan,mudo Bil ah ayay ku sugan yihiin kaamkan iyadoo wali wax iska badelin noloshii ay uga soo bara kaceen halkii ay noolaayeen oo ahayd biyo iyo baad la’aan ay keentay abaarta laba xili oo isku xiga ku dhufutay ee keedkii Badark ahaa uga dhammaadeen sidii ay u cunayeen iyo xoolihii ay dhaqanayeen.
Maleele Abdow Cusamnaan waa horjoogaha Kaamka Buur iyo Shabeeloow, waxaa uu ii sheegay mar aan ku booqday Kaamka in qoysaska degan kaamka ay yihiin barakacayaal Beledka sida looga shaqaysto kasaynin oo abaarta ay ku qasabtay in yimaadaan Magaalada, haddana mudo bil ah oo ay joogaan kaamakan ayuu yiri Maleele Qysaskani waxay ku noolaayeen qatooyo iyo qaaraan Beledka ay uga soo aruuriyeen iasaga iyo dadka kale oo ay asxaab yihiin oo ka damqaday xaaladda ay ku noolyihiin Qoysaskan, isagoo hebel arimahaas ka hadlaya islamarkaana Jaaliyadaha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Koofur Galbeed Ka codsanay in Qoysaskan ay u soo gurmadaan waxaa uu yiri.
Sidoo kale intii aan ku sugnaa kaaman waxaan kula kulamay qaar naafo ah oo aan socon Karin oo ka mid ah barakacayaasha soo maciin baday Baydhabo iyagoo rajaynaya in ay ka heli doonaan nolol ka duwan tii ay kaga soo guureen bartii ay ku dhasheen ee shalay ku haysteen Bar,Beer iyo Xoolo, balse manta ay kaga jiraan Guryo Buul ah oo ay dhexdeeda ku haysato Gaajo,Oon iyadoo taasi ay u dheertahay Qoraxda Maarso ee kulaylka badan iyo Dhaxanta Jiilaalka oo aysan lahayn gidaar ay kaga gabadaan iyo Buste ay ka huwadaan.
Waa dareen xanuun badan oo aan la dhayalsan Karin Maatada cabanaysa ee Maalin kasta u imaanaya Warbaahinta ee ka codsanaya in ay ka gudbiyaan warbixin Si ay u arkaan indha ka leexsan ee Bulshada Degan magaalada iyo Jaaliyadah u dhashay deegaanadan K,G ugu yaraan si ay ugu soo gurmadaan, tiiyoo ay yartahay inta ka damqanaysa Dhawaaqa xambaarsan codsiga ee ka imaanaya Ehelka abaarta asiibtay ee ah noo soo gurmada, Misna maqlayoo damqaynin hayoo siinaynin moodayada warkooda wax layska yiri oo aan kuba baraarugsanayn. Laakiin waxaa hubaal ah dhibaatada dadkan ay ka cabanayaan in hada ay joogto heer wax laga qaban karo maalmahan soo socda, Balse ay jiri doonto mar ay talo farha ka baxday oo ay dadka hadalka Karin doonin oo ay quus la aamusaan.
https://www.youtube.com/watch?v=VnA-sRKf3Bo