10 kii Bishan July Ayaa Waxaa Magaalada Baraawe Laga dhagaxdhigay Mashaariicyo Hormarineed Oo ay kamid Ahaayeen dhismaha Wadada isku Xirta Airport.ka Iyo Magaalada Iyo Sidoo kale Xarunta tb.da Waxaana lagu qabtay Munaasabad lagu wareejinayey dhismaha Wadadan. Iyо Xarunta tb.da isbitaalka Degmada. Waxaana lagu wareejiyey shirkadihii loo soo xushay dhismaha goobahan si ay uga howlgalaan
Mashaaruuca ka soo kabashada xasardaha ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo SCRP.oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunka ayna fulinteeda iska kaashanayaan Wasaaraddaha Maaliyadda iyо qorsheynta DF iyo sidoo kale Wasaaradda qorsheynta DG Kgs munaasabaddan ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxa mashruucan SCRP.Qeybtiisa kg Gudoomiyaha Maamulka degmada gudoomiye ku xigeenka Qorsheynta Gobolka Shabeellada hoose Xubno ka tirsan Golaha deegaanka degmada baraawe Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida Iyo Xubno kale.
Ugu Horeen Ayaa Waxaa goobta ka hadlay madaxa mashruuca SCRP. Oo faahfaahiyay Qorshaha Kaga degsan fulinta Howlahan
Gudoomiyaha Maamulka degmada baraawe liibaan abuukar cusmaan baafo ayaa dhankiisa balan qaaday ka Maamul ahaan in door muhiim ay ka qaadan doonaan Howlaha Socda
ugu Dambeyn Gudoomiye Ku Xigeenka Qorsheynta Gobolka Shabeellada hoose Bashir maxamed yuusuf ayaa umahaceliyey Wasaaradaha Qorsheynta heer Federaal Iyo heer Dowlad Goboleed Isagoona sidoo Kale dardaaran ujeediyey Kambaniydii loo xilsaaray Fulinta Mashruucan.