Wafdi uu hogaaminyo madaxweynaha dowlad gobaledka hirshabeele ayaa soo gaaray magaalada b.weyne ee xarunta gobolka hiiraan
wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa magalada b.weyen kusoo dhaweyay madaxda maamulka gobalka hiraan kan dagmada b,weyne sarashka amizom kuwa dowlada somaliya iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
madaxweye cosoble ayaa waxaa uu shegay in maamulka hirshabele loo daadanijdoono salka hoosa o micnaheedu yahay in dadaka dagan labada gobal ee hiiraan iyo sh.dhe ay iska dhax arki doonaan maamulka
Madaxweynaha dowlada Goboleedka Hirshabeelle Cali cabdulahi Cosoble oo ay weheliyaan wasiiro ka tirsan Maamulka Hirshabeelle ayaa kulan la qaatay Maamulka heer gobol iyo degmo ee gobolka Hiiraan,waxgaradka Gobolka,Saraakiisha ciidamada dowlada, kuwa AMISOM iyo qeybaha kala duwan bulshada.
Waxgaradka Gobolka Hiiraan,haweenka iyo dhalinyarada ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in maamulka Hirshabeelle looga bahan yahay inu door muuqda ka qaato caaawinta dadka ay sameysay abaarta ee ku nool qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan iyago Madaxweynaha iyo wasiirada la socda ku war galiyay inay hooyo umul ah iyo labo caruur ah ay haraad ugu geeriyoodeen deeganka qod qod ee Gobolka Hiiraan.
Cali C/laahi Cosoble Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii wax looga qaban lahaa Abaaraha ka jira Hirshabeelle, wuxuuna sidoo kale sheegay in uu socdo Qorshe Gobolka Hiiraan looga hirgelinaayo xarumo Wasaaradeed oo ka tirsan Hirshabeelle.
Madaxweynaha dowlada Goboleedka Hirshabeelle Cali cabdulahi Cosoble ayaa sheegay in wasaarad kaste oo ka mid ah Maamulka Hirshabeelle ay xaruun ka furan doonto Magaalada Baladweyne si ay fursado shaqo uga helan dhalinyarada ka baxday jamaacaddaha ku yaala Magalaada Baladweyne isago ka dalbaday xubnaha ka qeyb galay kulanka inay la shaqeeyaan maamulka Hirshabeelle.
W/D: Bashiir cabdulahi cismaan
Beledweyne.soomaaliya