{warsanradio} Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka, kuwooda ugu afka dheer ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xaalada amni darro ee ku soo korortay magaalada Muqdisho,
Xildhibaanka oo wareysi siinayay Idaacada Risaala ayaa ku dhaliilay Mas’uuliyiinta dowladda in dagaal aysan ka fiirsan, oo aysan u diyaarsaneyn ku dhawaaqeen
“Waa nasiib xumo in amnigii ka sii daro, waana wax laga murugoodo, dalkaan dagaal horay ayuu ugu jiray, dagaal hadii aad ku jirto waxa haboon in warmahaaga hoos ka afeysato ee ma ahan in hal mar aad la soo boodo dagaal ku dhaqaaqayaa, kadibna haraadigii meelaha ku jiray sida lagu yaqiin ay bilaabeen inay is qarxiyaan, si ay beeniyaan mas’uuliyiinta hadalkooda”ayuu yiir Xildhibaan Jeesow.
Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in inay qalad aheyd iyadoo is bedel lagu sameeyay Taliyeyaasha ciidamada, kuwa cusubna la magacaabay, isla markaana diyaar garowgii wax ka dhiman lagu dhawaaqo dagaal
“Mas’uuliyiinta waxaa fiican marka ay wax diyaar yihiin ayay wax ku dhawaaqaan, aniga waxaa dareemayaa fudeed aad u fara badan ayaa jira, waxba ma soo kordhineyso, dal dagaal ku jira in hadana dagaal aad u iclaamiso, dagaal qaadeynaa aad dhahdo, shacabka ficil ayay sugayaan”ayuu yiri Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow.
Xildhibaanka ayaa si kulul u weeraray Madaxweyne Farmaajo, tallaabadii todobaad ka hor uu dharka ciidanka ku labistay, dabadeedna uu dagaal ku dhawaaqay.
“In Tuute in la labisto oo Madaxtooyada dhexdeeda la isku sawiro, kaddibna shacabka ay u le’daan hadalkii aad ku baaqday, waxaa u arkaa in fudeed fara badan ku jiro arrintaas”ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.
Al-Shabaab ayaa weerarada kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho, waxayna todobaadkan gudihiisa magaalada Muqdisho ka fuliyeen weeraro isugu jira qaraxyo iyo dilal