{WARSANRADIO}Wakiilka Dowladda Jabuuti ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Maxamed Siyaad Ducaale ayaa ku eedeeyay dowladda Eritrea in ay taageero u fidiso Xarakada Al-Shabab ee ka dagaalanta Soomaaliya.
Laakiin hadalkaasi waxaa beeniyay dowladda Eritrea oo ku tilmaamtay been abuur dowladda Jabuuti aysan ka fiirsan.
Wakiilka Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan dowladda Eritrea Amanuel Giorgio ayaa sheegay in aysan suurgal aheyn in dowladda Eritrea ay taageerto urur Argagixiso oo dhibaato ku haaya Qaaradda Afrika.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dowladda Jabuuti ay hubsiimo la’aan Warkaasi ay u sheegtay.
Dowladda Eritrea oo dagaal kula jirta dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ayaa inta badan waxaa lagu eedeeyaa in ay taageero u fidiso ururada ka dagaalama Soomaaliya.
Qaramada Midoobey ayaa horay u sheegay in ay qabaan tuhun ku aadan in Al-Shabaab ay taageero ka helaan Eritrea.