Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in heshiis laga gaaray aasidda meydadkii weerarkii Bariire oo muddo toddobaad la diidanaa in la aaso.
Arrintan ayaa ka danbeysay wadahadal dhex maray ehalada iyo siyaasiyiinta ay kasoo jeedaan dadka la dilay iyo xukuumadda Soomaaliya, waxaana aaska oo qabanqaabadiisa ay ka socoto Muqdisho.
Aaska meydadka 10-ka qof oo 3 ka mida ay caruur yihiin ayaa waxaa ka qeyb galaya wasiiro iyo Xildhibaano dowladda Soomaaliya.
Heshiiskan aasidda dadkan ayaa ka danbeeyay kadib markii baaritaan ay sameeyeen guddi ay sameysay dowladda Federaalka ay warbixintoodii ugu horeysay u gudbiyeen madaxda dalka, iyagoo maanta ka hor jeedinaya shirka Golaha wasiirada, waxaan lagu wadaa in dowladda Soomaaliya ay magdhow ka bixiso dadka lagu laayay Bariire.