Maxmed isaaq afaraale oo ka tirsan baarlamaanka soomaaliya ayaa maanta si kulul uga Hadley wax qabadka amisom gaar ahaana kuwa jooga deegaanada koonfur galbeed
Isagoo sheegey in amisom ay ka gaabiyeen in ay dhaq dhaqaaq ay sameeyaan oo ay furan wadooyinka xiran ee gobolada bay iyo bakool
Xildhibaanka oo ka qeyb galey munaasabad xariga looga jaraayey dhismo cusub oo lagu kordhiyey saldhiga degmada baydhabo ayaa waxaa amisom ku tilmaamey in ay deegaanadan u yimaadeen sidii ay dhul ay degaan ugu qabsan lahaayeen oo aysan rabin in wixii loo ikmadey ay qabtaan
Amison ciidan keeda ee itoobiya gaar ahaana kuwa jooga magaalada baydhabo ma rabaan in ay dhaqaaqan oo ay gaaraan deeganada kale ee shabaab ay gacanta ku hayaan
Baydhabo waxaa ku dugan dad fara badan oo barakaciyaal ah kuwaa oo abaarihii ku dhiftey deegaanadoda ka soo cararey lkn xiligan abaartii laga baxay dadkaasina qaar kood ay rabaan in dib ay u noqdaan taasina aysan awoodin maadaama buu yiri baqdin ay ka qabaan dhibaato loo geysto