{WARSANRADIO} Xildhibaan Cali Cabdiraxmaan Cusmaan Cali Dheere oo ka mid ah B.K.G.S ayaa shir Jaraa’iid uu ku qabtay Magaalada Baydhabo waxaa uu ku dhaliilay Xildhibaanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u matalaya Beeshooda taasoo u ku sheegay Xildhibaan Cali in ay garab marsantahay arimihii Xildhibaanka ay ugu igmatay in uu ku matalo Beesha.
“Labao iyo Toban Sano ayuu Xildhibaanka Dowladda dhexe ku jiray, ma jirto wax la taabankaro ee uu u qabtay Beesha, Misna isagoo Sidaas uu yahay waxqabadkiisa oo ay Beesha ka tabanayso waxqabad La’aan ayuu haddana bilaabay in uu Beesha afduubto ee uu isku dayo in sameeyo abaabul ah in Beesha ku amar ku taagleeyo hanaankeeda dhaqanka soo jireenka ahaa kaasoo isaga naftiisa uu sedex jeer ku galay Golha Shacabka Dowladda Dhexe ee Soomaaliya”. Ayuu yiri Xildhibaan Cali Cabdiraxmaan Cusmaan (Cali Dheere).
Waxaa uu Xildhibaan Cali Dheere hadalkiisa intaas ku sii daray in Xildhibaan Dhaayoow ayuu yahay Shaqsi gabay hoowshii loo doortay isla markaan ku meeraysanaya arimo maanta iyo beri uu ku sheegay in ay suuro gal ahayn Beeshana ay ka soo horjeeddo. Wuxuuna Xildhbaan Cali dheere sheegay in Maalaqa guud guud uu kala hadlay in uu abaabulo Shirweyne ay isugu imaanayso Beesha Haraaw oo ay kaga arinsanayso ayaaha iyo Masayrka Beesha si ay meesha uga saaraan turxaamaha uu daadinayo Xildhibaan Dhaayoow ee Beesha dhexdeeda iska horkeenay.
Wuxuuna sheegay in Malaaqa guud ee Beesha uu ka aqbalay soo jeedintiisa kana balanqaaday in uu isu keeni doono isimada iyo nabadoonada Beesha kulan guud oo wax looga qabanayo arintan iyo Mustaqbalka Beesha.