{WAESANRADIO}Shirka Todobaadlaha ee Golaha Wasiirada ayaa lagu wadaa in lagu ansixiyo magacaabida Safiirada dalal dhowr ah oo xilligan banaan, kuwaasoo horay xubnihii joogay xilalka laga qaaday.
Hadal heynta ku aadan magacaabida Safiirada ayaa aad u soo xoogeysaneysay labadii maalmood, waana arrin dad badan ay isla dhex marayeen.
Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya inay dhici karto in maanta la magacaabo Safiirada, ama in dib loo dhigo kaddib marka la doorto Guddoomiye Baarlamaan oo haatan ololihiisa socdo.
In ka badan 10 Safaaradood ayay Safiiro la’aan yihiin, waxaana xilka haya Si Hayeyaal, waxaana arrintan ay keentay in calaamad su’aal la geliyo siyaasadda arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya, maadaama dalalkii muhiimka ahaa aanay wax safiiro muddo sanad joogin.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay magacaabay saddex safiir oo kaliya, kuwaasoo kala ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey, Safiirka Turkiga iyo Safiirka UK oo mar dambe ka tanaasulay xilkaas.
Dalalka illaa iyo hadda safiir la’aanta ah ayaa waxaa ka mid ah Mareykanka, UK, Kenya, Uganda, Jabuuti, Sudan Qatar, Kuwait, Shiinaha, UAE iyo dalal kale.