Baydhabo Somaliya{WMN}- Xildhibaankan hogaamiya haysta hogaanka golaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto KGS Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar xafiiskiisa shir jaraa’iid ayaa sheegay in loo bahanyahay doorashada ka dhici doonto koofur galbeed in ay u baahantahay in laga fiirsado cida qabanaysa hogaanka KGS.
Xildhibaanka ayaa xusay in loo mudantahay in il gooni ah lagu eego, Maamulada Jubba land iyo KGS, kuwaasoo uu ku eedeeyay in ay yihiin maamul goboleedyada ugu musuq maasuqa badan, si ay uga dhacdo doorasho xur iyo xalaal ah.
Sidoo kale xildhibaanka waxaa uu ka hadlay DFS isagoo shaaciyay in ay dowlada xildhibaanada mooshin ku noolka ah doonayaan in ay carqaladeeyeen, taasina aysan xildhibaanada isaga la midka ah marna ogolaan doonin in ay ku raacaan, xukuumadda ay tahay mid gudanaysa shaqadeeda iyaguna difaaci doonaan inta uga dhiman mudo hoowleedkeeda.
Xildhibaankan oo si guud u dulmaray arimaha dalka, ayaa hadaladiisa marka la isu soo uruuriyo waxaa laga dheehan karaa siyaasad isdiidan oo ka jirta dalka, hadeey ahaan xukuumada iyo baarlamaanka, dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe, oo dhamaantoodba ah mushkilado lugta haya geedi socodka horumarka dalka iyo ka soo kabashada aafooyinka burburka sodonkii sano laga dhaxlay, dadka iyo dalkana dib u dhigay.