Baydhabo Somaliya{WMN}- Wasiirka Maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka billaha ah ee Guddiga dhaqaalaha (FGC meeting).
C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda oo u warmayay warbaahinta ayaa sheegay in kulanka maanta diiradda lagu saaray waxyaabihii guddiga u qabsoomay iyo caqabadihii ka horyimid tan iyo markii la dhisay Guddigan.
“Waxaan maanta shir guddoomiyay kulanka billaha ah ee guddiga dhaqaalaha (FGC meeting) oo aan diiradda ku saarnay waxyaabaha inoo qabsoomay iyo caqabadaha jira sidii looga gudbi lahaa” ayuu yiri Wasiir C/raxmaan Ducaale Beyle.
IMF ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in Dowladda Sooomaaliya buuxisay dhammaan 27-dii shuruudood oo uu Sanduuqa Caalamiga ah ee Lacagta Adduunka (IMF) uu ku xiray si deymaha lagu leeyahay looga cafiyo.