Baydhabo Somaliya{WMN}-Ganacsatadan ayaa dareen kooda ka hadlay mar ay idaacadda Warsan ka soo aruurisay ra’yigooda, waxayna intooda badan walaac ka muujiyeen doorashada Koonfur galbeed sababta mar walba keenaysa in dib loo dhigo, waxaa sidoo kale ganacsatada Baydhabo ay wax laga xumaado ku tilmaameen in Ciidamo ka socda Dowlada dhexe la keeno xili dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay joogaan Baydhabo.