Baydhabo Somaliya{WMN}- Xukuumadda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay toogashadii ka dhacday masaajiddo ku yaalla dalka New Zealnad, halkaasoo lagu dilay 49 ruux Muslimiin ah xilligii salaaddii Jimcaha.
War saxaafadeed ka soo baxay Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay in weerarkaas ahaa mid argagixiso ah.
“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa weerarka argagaxiso ee bahalnimada leh ee lagu qaaday dad Muslimiin ah oo ku tukanayay Salaadda Jumcaha Masaajidda Al nuur iyo Lindwood ee Magaalada Christchurch ee dalka NewZealand, oo lagu dilay ugu yaraan 49 ruux, laguna dhaawacay dad badan 20 ruux, oo ay ku jireen caruur iyo dad da’ ah, fal dambiyeedkani naxdinta leh waxa uu ka qeyb yahay naceybka, mayal adeegga iyo islaam naceybka”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.
Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa u tacsiyadeysay qoysaska dhibanayaasha Muslimiinta ee dadkooda lagu xasuuqay masaajidada
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa Xukuumadda New Zealand inay samayso baaritaan guud oo ku qotoma falkani argagaxisada ee naxdinta leh, oo loo arko fal dambiyeed fuleynimo oo xun, una baahan mowqif islaami iyo mid dunida oo dhan oo mideysan oo looga hortago dhammaan howlaha argagaxiso iyo xagjirnimada halista leh”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.
Nin hubeysan ayaa xilligii salaadda jimcaha ee dalka New Zealand waxaa uu toogasho ku dilay illaa 49 ruux, waxaana dadka la dilay ka mid ahaa saddex Soomaaliya, Booliska ayaa sheegay inay xireen illaa afar ruux oo lala xiriirnayo falkaas waxashnimada.