Diinsoor-WNN–Maamulka Degmada Diinsoor ayaa Warbaahinta uga warbixiyay safarka madaxweyne Xasan uu shalay ku tagay degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.
Guddoomiyaha degmada Diinsoor Ibrahim Max’ed Nuur ayaa u sheegay warbaahinta in dadka Diinsoor ay ku laab qabowsadeen booqashada Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya,waxaana uu intaa ku daray in ay filayaan in madaxda kale ee dalka ay si lamid ah madaxweynaha u soo booqan doonaan degmadiisa.
dhinaca kale Guddoomiye Ibraahim ayaa sheegay in ay u qorsheysan tahay dagaal ay ku qaadayaan degaannada hoostaga Diinsoor ee ay ka taliyaan Al-shabaab.
waxaa intaa raaciyay in isaga uusan ka war qabin Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan AMISOM ka tirsaneyn kuwaas oo uu sheegay in ay howl gal lawadaan.
Sraakiisha Ciidamada Dowladda e Gobolka Baay ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Ciidamo aan ka tirsaneyn AMISOM oo Itoobiyaan ah ay ku jiraan dagaalka lagula jiro Al-shabaab inkasta oo Afhayeenka AMISOM o ay Wareysatay Mustaqbal uu isna beeniyay.