Maalinta Dhalinyarada Aduunka oo ku Beegan 12 Ogust ayaa laga Xusey Guud ahaan Magaalooyinka Koonfur Galbeed, Magaalada Baydhowa oo ah Xaruunta KMG ah ee KGS ayaa kamid ah Goobaha lagu Xusey, waxaana ka soo qeyb galay Ma’uuliyiin kala duwan oo ka socdey Gobolka, Degmada, iyo wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.
Agaasimaha Wasaarada Dhalinyarad iyo Ciyaaraha KGS Aadan Cumar oo Munaasabada ka Hadley ayaa sharxey Maalintan waxay ku asteysanytahay iyo Muhiimad ay u leedahay Dhalinyarada.
Gudoomiyaha Gobolka Bay Cali Wardheere Dooyow ayaa isagoo ka faaideysanayo munsabada iyo dhalinyarada ka soo qeyb gashey ayuu u jeedyey khudbad ka hadleysa dhalinyaranimada iyo sida ay muhiim uga tahay dal walba iyo in ay ka dhaxmuuqdaan qeyb kasta oo kamid ah tiirarka Dalka.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha KG Aaba Aawow Sheekh Suufi ayaa gabagadii munaadabada ayaa ku dheeraadey Dhalinyarada waxaa ay ka tarto Dal walba Hormarkiisa Dhaaale Siyaasada, Waxbarasho
Ayadoo Wasaarada Xuska Maalinta Dhalinyarada Aduunka ay ku qabatey Magaalooyinka Gobo lee KGayaa hadana waxaa bar bar socdey Aqoon Kororsi ku saabsan sidii Dhalinyarada ay uga qeyb gali lahayeen Siyaasada iyo Katala Bixinta Dhismaha Goloyaasha Dhalinyarada.