Baydhabo Somaaliya-{WMN}-Kulanka manta Wasaarada Boostada isgaarsinta iyo Teknoolajiyada Dowladda Koonfur galbeed Somaliya ay la yeelatey Maamuliyaasha Jaamacadaha Ku yaala Magaalada Baydhabo, ayaa waxaa diirada lagu saaraayey sidii Kor looga qaadi lahaa kaalinta isgaarsinta ay leedahay, Xiriirka Jamacadaha iyo Wasaradda iyo Ka qeyb qasashada wacyi gelinta dhinaca Isgaarisiinta.
Kulanka oo ahaa mid sacado qaatey ayaa waxaa intii uu socdey Fikiro kala duwan laga dhaqeystey Dhamaan MaamuliyaashaJaamacadaha Ku yaala Magaalada Baydhabo iyagoona so jeediyey arrimo muhim u ah Isgaarsinta iyo Baahiyaha dhabta ah ee jira.
Pro Abu Ayaa waxaa umahadceliyey wasaarada Boostada isgaarsinta iyo Teknoolajiyada Kgs sida ay Isku xilqaantey in ay isugu yeerto Jaamacadaha magaalada taaso an wole dhicin Waxaana uu tilmaamey In Wasaarada ay marwelba garabtaagan yihiin,
Dhinac kale Waxaana uu ka jaamacad ahaan balanqaadey in uu la shaqeyn doonaan Wasaarada boostada isgaarsinta iyo Teknoolajiyada Kgs,
waxaana uu ka codsadey in dhamaan ardeyda jaamacada Ay uraadiyaan Iskoolarshiib gudaha ah.
Agaasimaha guud ee wasaarada Boostada isgaarsinta iyo Teknoolajiyada Kgs Mudane Ore Osmaan Waxaa uu sheegey in dhamaan ardeyda barata maadada ITda ay hal meel isugu keeni doonaan Si ay uga dhiirageliyaan in ma’dadan ay uhiim tahay nolasha bulshada.
Waxaa uu sheegey in baahi weyn loo qabo in la helo ardey baratey Kuliyadan I T DA.waxaana uu Jaamacadaha kula dardaaramey in ay ardeyda ku dhiirageliyaan in ay bartaan kuliyadda si sare logu qaado wacyiga isgaarsinta.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Boostada isgaarsinta iyo Teknoolajiyada Kgs Mudane Abdihakin Omar Ayaa waxaa uu sheegey in ay tixigelin doonaan fikirada wanagsan oo ay Ku soo biiriyeen Wasaarada Boostada isgaarsinta iyo Teknoolajiyada Kgs waxaana uu ubalan qaadey in shirarka muhiimka ah ay ku casuumi doonaan.
Waxaana uu tilmaamey In Wasaarada ay marwelba utaagan tahay sidii ay u hormarin laheyd isgaarsinta Dalka gaar ahaan kgs.
Wasiirka wasarada boostada isgaarsinta iyo Teknoolajiyada Kgs Mudane Mohmed nuur sheikh Cade ayaa maamuliyasha jamacadaha u
Balanqaadey in Wasaarada ay tix gelineyso Ardeyda dhameysatey Maadada ITda
Waxaana wasiirka wasaarada Boostada isgaarsinta iyo Teknoolajiyada Kgs timaamey in Loo bahan yahay in Boostada Soomaaliya Korlooqaado Waxaana uu sheegey in mardhow ay bilaabi doonaan Boosto ayana ka bilaabi doonaan magaalooyinka garoomada Baydhabo’ Baraawe, iyo Magaalada Hudur’ ee xarunta gobalka bakool.
Wasaarada Boostada isgaarsinta iyo Teknoolajiyada Kgs ayaa noqatey Wasaaradii uga horeysey oo la kulanto Jaamacadaha magaalada baydhabo waxaana ay dedaal dheer uga jirta sidii ay u horumarin laheyd Guud ahaan isgaarsinta iyo Teknoolajiyada dalka gaar ahaan Koonfur galbeed Soomaaliya.