Baydhabo Somaaliya-{WMN}-Madaxweynaha Dowlad Goboledka koonfur galbeed somali mudane Cabdicasiis Xanan Maxamed iyo wafdi kasocday wasaaradda Arimaha dibadda xukumada fidiralka ayaa xarig jaray xafiiska Qunsuliyadaha somaliya ee laanta socdalka iyo jinsiyadaha Magalada Baydhawa.
Xafiiskan ayaa fududayn doona waxa ay bulshada konfur galbeed ugu baahdaan wasaaradda arimaha dibadda sida fududeynta arimaha Qunsuliyadaha, minxooyinka iyo samaynta sharciyada Nootayinka.
Madaxweyne Laftigaren oo hadlay xarig jarka kadib ayaa ka sheekeyey muhiimadda xafiiskan u leeyahay bulshada Dowlad Goboledka koonfur galbeed isagoona balan qaaday maamul ahaan ina ay gaarsiin doonaan adeega xafiiskan Tuuloyinka iyo deegaanada fog fog ee maamulka.
Xafiiskan ayaa ah kii ugu horeeyey ee wasaaradda Arimaha dibadda ka furto magalada Baydhawa.