Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo gaaray Magaalada Kismaayo ayaa la kulmay Madaxweynaha Jubbaland iyo Madaxdii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo horay ugu sugnaa Kismaayo.
Waxaa sidoo kale Sawirka ku wehlinaayay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah Madaxda si weyn uga soo horjeedda Xukuumadda Soomaaliya.
Madaxweynaha Jubbaland oo Kismaayo kusoo dhaweeyay ayaa sheegay in ay farxad u tahay in Madaxdii hore ay yimaaddaan Magaalada Kismaayo si ay uga qeyb galaan Caleema saarka.
Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa maanta u tagay Kismaayo Wafdigii ugu badnaa oo isugu jira Siyaasiyiin, Xildhibaano, Waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.