Shirka Wada-tashiga ee xuquuqda Aadanaha muhiimka u ah iyo arrimaha la xiriira ayaa maanta lagu qabtay magaalada Jowhar ee caasimada Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Haweenka & Xuquuqul Insaanka Hirshabelle ayaa waxaa ka qeybgalay wakiillo ka socda qaar ka mid ah wasaaradaha dowlad Goboleedka Hirshabelle waxaana lagu falanqeeyay arrimaha muhiimka ah ee la xiriira dhowrista Xuquuqda Aadanaha iyo qodobada muhiimka ah ee la qorsheynayo in lagu yegleelo Siyaasadda Ilaalinta xuquuqda aadanaha ee Hirshabelle.
Barnaamijka wadatashiga ah ayaa furitankisa waxaa goobjog ka ahaa masuuliyin katirsan Wasaaradda haweenka & Xuquuqul insaanka Hirshabelle kuwaasi oo si weyn ugu hadlay muhiimadda uu leeyahay wada-tashigani iyaga oo si gaar ah ugu hadlay in aragtida ka qeybgalayaasha ay si dhameystiran ugu tixgelin doonan barnaamijka siyaasadda xuquuqda aadanaha Hirshabelle oo shirar wada-tashiyo ah oo ku saabsan ay xilligani ka socdaan degmooyin ka tirsan Hirshabelle.
Ka qeybgalayaasha kulanka ayaa waxa ay ku soo bandhigeen aaraa iyo fikrado kala duwan kuwaasoo lagu horumarin karo arrimaha xuquuql insaanka gaar ahaan dowlad goboleedka Hirshabelle.