Gudoomiya degmada baydhabo ahna duq magaalada Cabdullahi Cali Watiin ayaa ka warbixiyay xafiis dhowaan lagu furey magaalada baydhabo kaasoo ka shaqeeya sharciyeynta baabuurta.
Waxaan uu sheegay in xafiiskaani uu ka shaqeyndoono sharxiyeynta baabuurta iyo daraawada aan heysan warqada u ogolaaneyso wadida baabuurka.
Shirkad lagu magaaco galeer ayaa qabandoona howshaasi sida uu gudoomiyaha degmada baydhabo sheegay waxaana intaas ku darey in wax badan ka bedeli doono sharciga baarbuurta oo in mudo ah sharci daro lagu wadaayay baabuurta iyo qaabka loo raro.
arintaan ayaa waxaa ay dabooni doonta baahida loo qabay in la helo sharciga ogolaanshaha wadida baarbuur ayadoona ay yareendoonto shilalka ka dhaca guud ahaan gobolka.
Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha Degmada Baydhabo.