Wasaarada qorsheynta iyo maalgashiga dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya ayaa waxaa magaalada baydhabo ka furtay tababar socon donaa mudo todobo maalmood, waxaana tababarkaan lagu baran donaa maamul wanaaga.
Tababarkaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada qorsheynta KG ayaa waxaa laga qeyb galiyay shaqaalaha wasaaradaha koonfur galbeed, agaasimiyaasha guud iyo shaqaalaha maamulada degmooyinka koonfur galbeed.
Wasiirka wasaarada qorsheynta iyo maalgashiga koonfur galbeed Mudane Axmed Madoowe Nuunow oo tababarka furay ugu horeena uu kahadlay ayaa waxaa uu sharxay muhiimada uu u leeyahay tabarakaani shaqaalaha wasaarada Kg iyo maamulada degmooyinka Kg, waxaana uu gaqeyb galiyaasha kula dardaaramay in ay ka faa`ideystaan maalmaha uu socdo.
Wasiirka ayaa sheegay in tababarkaani shaqaalaha ay kaheli doonaan ama lafu bari donaa casharo iyaga quseeya una sahli karo in ay ufududaato howlaha ay shacabka ay u hayaan.
Dhanka kale Wasiirka wasaarada qorsheynta iyo maalgashiga koonfur galbeed Mudane Axmed Madoowe Nuunow ayaa xafiiska wasaaradiisa ku soo dhaweeyay agaasimaha cusub ee wasaarada Mudane Isxaaq Fanax wuxuuna urajeeyay in uu howlshiisa gudan doono asigoo ku timaamay in uu yahay qof shaqo.
W/Q: Wariye Siid Cali Muuse Ateera.