Howl-galkaan oo u muuqday mid horay loo sii qorsheeyay ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiinta gobolka Banaadir qaarkood, oo ay kamid tahay guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Basma Caamir Shakeeti, waxayna qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook-ga ku qeexday in howl-gal dhinaca nadaafadd xalay kasameeyeen Soobbe ay ku guuleysteen.
Goobaha ganacsiga ee la burburiyay ayaa ahaa miisas la dhigay hareeraha waddada waxaana lagu iibin jiray hilibka iyo khudaarta, laakiin lama oga in dadkii ku ganacsanayay horay digniin loo siiyay iyo in kale.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu Al-waaxyadii miisaska ee la jajabiyay ku qaaday gaawiri laakiin howl-galkii xalay ayaa kusoo aadaya xilli qaar kamid ah waddooyinka Muqdisho ay wax yeeleeyeen roobabkii maalmahii u dembeeyay da’ayay.