Waxaa garoonka diyaaradaha Shaatigaduud ee magaalada Baydhaba maanta kasoo degay wafdi
ballaaran 00 UU hogaaminayo raisulwasaarihii hore ee dowladii kumeelgarka Soomaaliya Dr. Cali
Maxamed Geedi.
Wafdiga uu hor kacayo prof. Cali Maxamed Geedi ayaa waxaa kamid ah oday dhaqameedyo kasoo
jeedo beelaha Mudulood kuwaasoo aan shaacin booqashada ay kusoo gaareen magaalada Baydhaba.
Waxaa garoonka diyaaradaha Baydhaba kusoo dhoweeyay wafdigan ballaaran gudoomlyaha
degmada Baydhaba mudane Cabdullaahi Cali Watiin, wasiirka arimaha gudaha Koonfur Galbeed
mudane Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan (Sate), wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka Koonfur Galbeed
mudane Cabdullaahi Aadan Axmed (Black) waslirka hub ka dhigista, dhaqancelinta iyo tababarida
maleeshiyooyinka Koonfur Galbeed mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelay), oday dhaqameedyo,
ururka haweenka Baydhaba iyo weliba qaybaha kala duwan ee buLshada magaalada.
Wafdiga uu hogaaminayo Dr. Cali Maxamed Geedi ayaa waxaa la dejiyay madaxtooyada dowlad
goboleedka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhaba. Warar hoose oo ay helayso shabakada
warbaahinta Baidoa Media Centre ayaa waxa ay sheegayaan inuu wafdiga Cali Maxamed Geedi quud
dareynayo arimaha qaybsiga xubnaha baarlamaanka Koonfur Galbeed 00 ay hada si habsami leh uga
socoto magaalada Baydhaba.