Wararka ka imaanaya degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa ku waramaya in Qarax loo dhigay ciidamo katirsan maamulka Koonfur galbeed, kuwaas oo ku socdaalayay duleedka degmada Xudur.
Ilo wareedyo aan ku kalsoonnahay waxay soo sheegayaan in Qaraxyadani ay ahaayeen mid aad u culus, islamarkaana khasaare lagu gaarsiiyay ciidamada maamulka Koonfur galbeed.
Warar horudhac ah oo laga helayo Qaraxyadan ka dhacay duleedka Xudur waxay ku waramayaan in ciidanka maamulka Koonfur galbeed halkaas looga Gubay gaari oo nooca Cabdi bilaha Soomaalida u taqaan, islamarkaana ciidankii saarnaa labadaas gaari ay Qasaaro kasoo gaareen.
Qaraxyadan ayaa dhacay waaberigii hore ee saaka waxaana suuragal ah in khasaaraha ka dhashey intan uu ka bato, maadaama faafaahinta la helayo ay tahay mid horudhac ah.
Majiro dhanka maamulka Koonfur galbeed ah wax war ah oo kasoo baxay, kuna aadan weerarka saaka ciidankooda qaraxa lala eegtay ee ka dhacay duleedka Xudur.
Xudur waxaa ku sugan ciidamo Itoobiyaan ah, kuwaas oo gacanta ku haya maamulka rasmiga ah ee magaalada, waxaana weeraradan uu kusoo aadayaa iyadoo ciidamada Itoobiya weeraro laba todobaad socda kala kulmayeen inta u dhexeysa Qansaxdheere iyo Bardaale oo katirsan gobolka Baay.