Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in la kordhin doono taageerada la siiyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM.
Taageeradaan ayaa qaramada Midoobay ku tilmaamtay in wax badan ay ka bedeli doonto dhaqaalaha waddanka Soomaaliya.
Warbixintaan oo ka soo baxday Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in sidoo kale la kordhin doono taageerada la siiyo Ciidanka Midowga Africa ee ka howlgala Soomaaliya iyo weliba kuwa Milatariga ee Soomaaliya intaba.
Howlgalka AMISOM Iyo Ciidanka Soomaaliya ayaa warbixinta lagu sheegay in laga taageeri doono dhinaca saadka iyo Caafimaadka , waxaa soo hoos gali doono taageeraadaan Ciidamada Booliska ee la geeyo deegaanada laga sifeeyo Al Shabaab.
Ugu dambeyn Warbixintaan ayaa lagu sheegay in ay hooseyso saadka AMISOM ay gaarsiiso gobollada dalka sababo ammaan darri aawgeed oo ka jirta Gobollada sida Al Shabaab oo waddooyinka dhiga Miinooyin islamarkaana xilliyada qaar geysta weeraro ku dhufoo ka dhaqaaq ah.