Wasiirka Amniga Gudaha, wasiirka Dekedaha iyo kaluumaysiga, wasiirka Bay’ada iyo horumarinta reer Miyiga iyo saraakiil kale ayaa maantay booqasho ku tagay xerada Dhaanka-roone ee dhacda duleedka Galbeed ee Galinsoor iyo xero kale oo ku taalla duleedka Cadaado.
Wafdiga wasiiradaa ayaa qorshaynaya wajiga labaad ee xareynta maleeshiyaadka iyo gaadiidka dagaal ee ay wataan kuwaasoo qeyb ka ah hawlgalka tababarka Ciidamada daraawiishta Galmudug.
Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan hub ka dhigista Maleeshiyaadka hubeysan ee ku sugan degaanada maamulka Galmudug.
Waxaa uu sheegay in Maleeshiyaadkii ku sugnaa gobolka Mudug hub ka dhigis lagu sameeyay, islamarkaana hadda ay bilaabeen in ay xareeyaan Maleeshiyaadka ku sugan gobolka Galgaduud.