Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle ayaa lagu soo warramayaa in maanta lagu diley wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.
Wararka ayaa sheegaya in xildhibaankaasi oo lagu magacaabo, Maxamed Maxamuud Siyaad ay rag hubeysan kala dageen kadibna dil ugeesteen xildhibaanka gaari uu la socday oo marayey wadadaasi.
Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu saaka ka soo amba-baxay Jowhar, kuna soo jeeday Muqdisho, balse ay wadada u galeen rag loo maleynayo inay ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo dilka ugeyetay mudanahaasi ka tirsan baarlamaanka HirShabelle.
Ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in gaariga uu la socday xildhibaanka oo ahaa Noah ay kooxdaasi fasaxday dhamaan dadkii kale ee saarnaa,.
Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa ka hadlay dilka Xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad Xuurshow oo kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle,kaas oo saakay Al-Shabaab gaari kala dageen,kaidbna ay dileen.
War kasoo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed ayaa loogu tacsiyadeeyay Ehellada marxuumka,isaga oo Alle uga baryay in uu janadii fardowso ka waraabiyo.
Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabaab ayaa ugu baaqay Xildhibaannada kale ee Hir-Shabeelle inay ka feejignaadaan weerarada uga imaan kara Al-Shabaab xilliyada ay ku guda jiraan socdaalka Deeganada Dowlad Goboledka Hirshabelle.
Hoos Ka Akhriso Warka kasoo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hir-Shabeelle.
Gudoomiyaha Golaha Xeer Dejinta Dowlad Goboledka Hirshabelle Md,ne Sheikh Osman Barre Mohamed Isagoo Ku Hadlaya Magaciisa, Kan Gudoonka, Magaca xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboledka iyo Shacabka Waxuu Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Marxuum Ex Xildhibaan mohamed Mohamud Siyaad Xuurshow oo Kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle oo kooxaha argagaxisada ay dileen kadib markii ay ka qafaasheen isagoo ku safraya wadada udhaxeysa Jowhar Iyo Muqdisho.
Gudoomiye Sheikh Osman ayaa Yiri waxaan tacsida iyo tiiraanyada laqeybsanayaa Qoyska Ehelka Asxaabta iyo Dhamaan Dowlad Goboledka Hirshabelle Geeridii Naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum xildhibaan Mohamed Siyaas waxuuna Alle uga Baryey inuu Janatul Fardowsa Hoygiisa kadhigo Samir iyo Iimaana naga wada siiyo
Ugu dambeyn Gudoomiyaha Golaha waxuu Xildhibaanada iyo Masuuliyinta kale ee Dowlada uga digayaa Qataraha Kooxaha Argagaxisada ee naf lacaariga ah ay kageysan karaan Deeganada Dowlad Goboledka Hirshabelle
Ammaanka jidka dheer ee xiriiriya Muqdisho iyo Jowhar ayaa muddooyinkan ahaa mid aad u liitada, waxaana inta badan weeraro ka fulisa kooxda Al-Shabaab, waxaana qaarkood weeraradaas ku dhintay mas’uuliyiin ka tirsanaa mamaulka HirShabelle.