Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Hoyga uu Ka dagan yahay Magaalada Muqdisho Ku qaabiley Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish).
Kulan gaar ah oo ay yeesheen labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka oo xilli kala-guur ah lagu jiro iyo sidoo kale wada-shaqeyn dhex-marta Maamulka Galmudug iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
In kastoo kulanka labada mas’uul waxyaabihii kasoo baxay aan Warbaahinta lala wadaagin ayaa wararka qaar waxaa ay sheegayaan in Madaxweynaha Galmudug uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir kala hadlay sidii uu uga qeyb-geli lahaa Shirka wadatashiga Madaxda Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada 15-ka Bisha Agoosto uga furmaya Magalada Dhuusamareeb.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaan ka qeyb-gelin shirkii dhawaan ka dhacay Magaalada Dhuusamamreeb ee Caasimadda Galmudug, kaas oo ay ka soo baxeen qodobo dhowr ah oo aan weli la fulin.
Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Muqdisho ka wada dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo ku wajahan xilka Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo uu dadaal ugu jiro sidii xilkaas loogu magacaabi lahaa shaqsi ka soo jeeda Beelaha Galmudug.
Tan iyo markii Sabtidii la soo dhaafay Baarlamaanka codka kalsoonida kala laabtay Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa bilowday xusul duub loogu jiray xilka Ra’iisul Wasaaraha oo ah mid awood qeybsi ahaan ay beesha Hawiye u heleyso.
Madaxweynaha Galmudug ayaa si degdeg ah u yimid Muqdisho, maalin kaddib xil ka qaadistii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana uu bilaabay kulamo uu la qaadanayo Madaxda dowladda, sida Madaxweyne Farmaajo oo habeen ka hor ku kulmeen xarunta Madaxtooyada.
Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin ayaa xalay ku kulmay Xarunta Nabadsugida Qaranka oo muddooyinkii u dambeeyay loo arkayay inay tahay halka laga jiheeyo Siyaasadda dalka.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo kala duwan oo la xiriira xaalada siyaasadeed ee dalka sida arrimaha soo magacaabida Ra’iisul Wasaaraha oo loo arko in Fahad Yaasiin uu kaalin ku leeyahay, marka loo eego saameyntiisa dhinaca Madaxweynaha.
Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay Madaxtooyada kula kulmay Siyaasiyiin iyo odayaal ka soo jeeda Beesha H/Gidir, waxaana xubnaha la kulmay Madaxweynaha kala hadleen sidii xilka Ra’iisul Wasaare loogu magacaabi lahaa beeshooda.