Maamulka Puntland ayaa maanta albaabada isugu dhiftay afar iskuul oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay xad-gudubeen nidaamka waxbarashada Puntland.
Iskuullada la xiray ayaa kala ah Hormuud School, Cabdullahi Yusuf School, National School iyo Waaberi School, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Axmed Huruuse oo ah guddoomiyaha waxbarashada Puntland ee gobolka Mudug.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in afarta iskuul albaabada loo laabay, kadib markii ay sameeyeen fowdo ka baxsan nidaamka waxbarashada Puntland, sida uu hadalka u dhigay.
Schoolladaas waxaa la sheegay in laga dhigayey manaahijta ay dugsiyada dalka u dejisay wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka Soomaaliya.
Masuulkan Puntland ugu magacaaban waxbarashada gobolka Mudug ayaa sidoo kale sheegay in xabsiga loo taxaabay maamulayaashii afartaas iskuul