Iyadoo is mari-waaga siyaasadeed ee ka taagan doorashooyinka Soomaaliya uu sii xoogeysanayo ayaa waxaa muuqata in doorashada aanu waqtigeeda ku dhici doonin, marka loo eego jadwalkii doorashada ee lagu heshiiyay oo dib u dhac badan ku yimid, kaddib khilaaf ka dhashay Guddiyadii doorashada ee Xukuumadda magacawday.
Heshiiskii siyaasadeed ee doorashada ay ku heshiiyeen dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa qarka u saaran inuu burburo, waxaana khilaafka cusub ee soo kala dhex galay dowladda Federaalka iyo Jubbaland uu sabab u noqon karaa in hannaanka doorashada uu dib u dhac galo.
Go’aankii dowladda Federaalka ay safiirkii Kenya ku amartay inuu dalkiisa ku laabto, ayna u yeeratay Safiirkeedii u joogay Nairobi, iyadoo Kenya ku eedeyneysa in faragelin arrimaha gudaha, kuna cadaadineysa Maamulka Jubbaland inay carqaladeyso heshiiskii doorashada.
Walaaca laga qabo in doorashadan ay dalka dib u dhac ku keento, isla markaan dalka uu galo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni ayaa aad isu soo taraya.
Cabdi Barre Yuusuf oo ka mid ah Xildhibaannadii hore ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in aanu dalka u horseedin qalalaase iyo fowdo, isla markaana wanaaggii shalay lagu doortay laga doonayo inuu sameeyo oo doorasho hufan uu qabto.
Sidoo kale Siyaasiyiin dhowr ah ayaa u jeediyay Madaxweyne Farmaajo inuu dalka u turo, isla markaana uusan damaciisa siyaasadeed uu god ugu ridin dalka.
Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa dhowaan ka digay in haddii dowladda Federaalka ku adkeysato doorasho aan lagu qanacsaneyn ay sameyn doonaan hannaan doorasho oo dalka lagu badbaadinayo.