Waxaa mar kale la baajiyay shir aan caadi aheyn oo maanta oo Sabti ah ay yeelan lahaayeen Golaha Wasiirada, iyadoo hadal heyno kala duwan ay ku wareegsanaayeen ajandaha kulankan iyo waxa looga hadlayo.
Shirkan oo khamiistii hore la baajiyay, ayaa Wasiirada lagu wargeliyay maanta oo Sabti ah, balse waxaa saaka u soo dhacay farriin qoraaleed loogu sheegayo in shirku baaqday, balse waqti looma cayimin.
Guux weyn ayaa maalmihii la soo dhaafay soo baxayay, kaasoo ahaa in Golaha Wasiirada ka soo bixi doono go’aan ka dhan ah maamulka Jubbaland.
Qaar ka mid ah Wasiirada ayaa bixiyay saadaal ku aadan in maalmaha soo socda wax weyn ka soo bixi doono Golaha Wasiirada, inkastoo ay ka gaabsaden, balse waxaa hadal heyntu u badan tahay Jubbaland iyo Kenya.
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur ayaa maalmo ka hor shaaciyay in Golaha Wasiirada qorsheynayaan inay Jubbaland u aqoonsadaan deegaan cadaw heysto, isagoo ku tilmaamay haddii tallaabadaas dhacdo inay tahay Qar-iska tuur iyo daldalaad siyaasadeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa sanad iyo barkii la soo dhaafay qaadeysay tallaabo ka dhan ah Maamulka Jubbaland, iyadoo horay u qaadacday dib u doorashadii Axmed Madoobe, balse markii dambe cadaadis uga yimid Beesha Caalamka aqoonsatay.