Allaha u naxariisto waxaa magaalada Muqdisho maanta ku geeriyooday Xildhibaan Axmed Dhimbiil Rooble ( Casoowe) oo ka tirsanaa Golaha Shacabka Barlamaanka Soomaaliya.Xildhibaan Axmed Dhimbiil Rooble Canshuur oo hadda ka tirsanaa Baarlamaanka 10-aad ee JFS ayaa la sheegaya in uu u geeriyooday xanuunka Corona Virus .Xildhibaankaan oo da’ahaa ayaa ku jiray baarlamaanka Soomaaliya 16-sano ee la soo dhaafay , waxa uuna Guddoomiye ku-xigeenka labaad ka noqday Baarlamaamkii 8-aad ee dalka.Axmed Dhimbiil Rooble ayaa deegaan doorashadiisu aheyd Gobalada Waqooyi ee Soomaaliya.